Ciwaanka VI: Xeerka Xuquuqda Madaniga

This content has been professionally translated in other languages.

Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.

此內容已被專業翻譯成其他語言。

Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.

Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.

Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.

이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.

ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።

Этот контент был профессионально переведен на другие языки.

このコンテンツは専門的に他の言語に翻訳されています。

እዚ ትሕዝቶ ብሞያዊ ኣገባብ ብኻልእ ቋንቋታት ተተርጒሙ ኣሎ።

Qabiyyeen kun ogummaadhaan afaanota birootiin hiikameera.

इस सामग्री का व्यावसायिक रूप से अन्य भाषाओं में अनुवाद किया गया है।

Ce contenu a été traduit professionnellement dans d'autres langues.

Цей вміст було професійно перекладено іншими мовами.

تمت ترجمة هذا المحتوى بشكل احترافي إلى لغات أخرى.

Magaalada Seattle waxay ku dhaqanta Ciwaanka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah. Sharcigan ayaa kaa ilaalinaya takoorka ku salaysan Jinsigaaga, midabkaaga, ama asalkaga qaran barnaamijyada magaalada, adeegyada, ama Adeegyada hela dhaqaalaha dawladda dhexe. 

Ballanqaadkayaga

Waxaan u heelanahay inaan hubino in qof walba loola dhaqmo si caddaalad ah oo siman. Magaalada Seattle waxay ka mamnuucday takoorka barnaamij kasta oo magaalada ah, adeeg, dhismayaal, iyo qandaraasyo ku salaysan naafanimo, jinsi, da', nooca galmada, aqoonsiga jinsiga, heerka socdaalka, natiijooyinka uurka, diinta ama caqiidada, abtirsiinta, qoonsiga, veteran ama heerka milatari, naas-nuujinta meel fagaare ah, isticmaalka xayawaanka adeega goobaha caamka ah. 

Haddi Aad La kulanto Takoor

Haddii aad u malaynayso inaad la kulantay takoorid, waxaad noo soo gudbin kartaa cabasho. Waa kan sida:

Wixii cabashooyin ah ee ku saabsan takoorka naafada ama si aad u codsato Taageerada ku xadgudubka Sharciga Naafada America ADA, la xidhiidh Isuduwahayaga ADA:  

Waxaan halkaan u joognaa inaan caawinno. La xidhiidh Xafiiska Seattle ee Xuquuqda Madaniga wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan sharciyada Magaalada ee ka hortagga takoorka iyo u hogaansanaanta Ciwaanka VI. Waxaan bixina adeegyada tarjumaada iyo turjubaan bilaash ah. 

Habka Cabashada Ciwaanka VI

Haddii aad dareento in magaalada Seattle ay kugu takoortay isirkaaga, midabkaaga, asalkaaga, waxaad u dacwoon kartaa Xafiiska Seattle ee Xuquuqda Madaniga (SOCR) adoo raacaya talaabooyinkan:  

Tallaabada 1: Nala Soo Xiriir

Waxaad cabasho ku xaraysan kartaa online, ama naga soo wac (206) 684-4500, TTY: 7-1-1. Xusuusnow, cabashooyinka waa in lagu sameeyaa 180 maalmood gudahooda kadib dhacdada.

Tallaabada 2: Aan wada hadalno

Waxaan diyaarin doonaa wakhti aan kagala hadalno xaaladaada oo aan eegno haddii ay jirto macluumaad ku filan cabashada Title VI.  

Tallaabada 3: Samee Cabashada

Haddii uu jiro macluumaad ku filan, waxaanu kaa caawin doonaa inaad qorto cabasho rasmi ah oo aad saxiixdo. Waxaan markaas ogeysiin doonaa waaxda ay khuseyso ee magaalada Seattle wixii ku saabsan cabashada.

Kiisaska ku lug leh dhismaha, dayactirka, ilaalinta waddooyinka, Dhinaca lugta, waddooyinka waaweyn, ama buundooyinka iyo tunnelyada waxaa dib u eegi doona Maamulka Jidadka Federaalka.

Tallaabada 4: Go'aanka Hore

Adiga iyo waaxda magaalada Seattle waxaad heli doontaan fursad aad kaga qaybqaadataan xallinta hore si wax looga qabto cabashada. Xallinta hore waxay u baahan tahay ogolaansho ikhtiyaari ah dhammaan dhinacyada.

Tallaabada 5: Baadhitaanka  

Haddii xallinta hore ay shaqayn weydo, baaraha ayaa ururin doona macluumaadka, samayn doona waraysiyo, oo falanqeyn doonaa xaqiiqada 100 maalmood gudahood marka la xareeyo cabashada.

Tallaabada 6: Go'aan  

SOCR ayaa go'aamin doonta in ay jirto caddayn ku filan oo muujinaysa xadgudubka Ciwaanka VI.

Baaritaanada ku lug leh dhismaha, dayactirka, ilaalinta waddooyinka, Dhinaca lugta, waddooyinka waaweyn, buundooyinka iyo tunnelyada waxaa dib u eegi doona Maamulka Jidadka Federaalka. Waxa kale oo aad haysataa ikhtiyaar ah in aad si toos ah uga xarayso cabashada Title VI Waaxda Gaadiidka Maraykanka, Federal Transit Adminstration Office for Civil Rights:

Waxa aan Sameyno 

Magaalada Seattle waxay bixisaa adeegyadan soo socda: 

Helitaan lo Siman yahay. Ka hortag takoorka dhammaan barnaamijyadayada, adeegyadayada, iyo qandaraasyada. 

Helitaanka Naafada. Hubi in dadka naafada ah ay heli karaan oo ay ka faa'iideysan karaan barnaamijyadayada, adeegyada, iyo waxqabadyadayada. 

Helitaanka Luuqadda. Waxan ku bixina macluumaadka iyo adeegyada luqadda aad doorbidayso. 

Sinnaanta Qandaraaska. Kordhi qandaraasyada iyo wax iibsiga haweenka iyo ganacsiyada ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay (WMBE). 

Sinaanta Gaadiidka. La kaasho bulshooyinka si loo horumariyo habraaca gaadiidka kaas oo ah mid isir ahaan loo siman yahay oo bulsho ahaan cadaalad ku dhisan.

Civil Rights

Sign Up for Latest Updates

Subscribe

The Seattle Office for Civil Rights (SOCR) works to advance civil rights and end barriers to equity. We enforce laws against illegal discrimination in employment, housing, public places, and contracting within Seattle.